U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Qofkii qolo isu ekaysiiya iyaguu ka mid yahay

عن ابنِ عُمَرَ رضي الله عنهما قال: قال رسولُ الله صلَّى الله عليه وسلم: «مَن تَشَبَّهَ بِقَوْمٍ فَهُوَ مِنْهُمْ».
Ibnu Cumar Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Qofkii qolo isu ekaysiiya iyaguu ka mid yahay".
Waxaa Wariyay Abuu Daa'uud iyo AxmedDarajoXadiis Xasan ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in qofkii isku ekaysiiya qolo gaalo ah ama faasiqiina ama saalixiina isagoo samaynaya wax ka mida wixii lagu yaqaanay, sida caqiidada, cibaadada iyo caadooyinka iyaguu ka mid yahay, waayo oogada oo ay isaga ekaadaan waxay keenaysaa inay gudaha isaga ekaadaan, shakina malaha in hadii qolo la isu ekaysiiyo ay ka imaanayso inay cajabiyeen, taaso keeni karta inuu jeclaado oo weyneeyo oo uu ku dhex jiro, taaso Qofka u keeni karta inuu uga ekaado xaga gudaha iyo cibaadada, Ilaahay ayaan ka magan galnaye.

Faa’iidooyin
  1. Waxaa laga digayaa isku ekeysiinta gaalada iyo faasiqiinta.
  2. Waxaa la isku boorinayaa isku ekaysiinta saalixiinta iyo ku dayashadooda.
  3. Dusha oo la isaga ekaado waxay dhaxal siinaysaa in uurka la iska jeclaado.
  4. qofku goodiga iyo danbiga wuxuu ka qaadanayaa hadba sida uu yahay isu ekaysiintiisu iyo nooca ay tahay.
  5. waxaa la iska reebay in la isu ekaysiiyo gaalada diintooda iyo caadooyinkooda u gaarka ah, wixiise aan intaas ahayn sida in laga barto farsamada iyo wixii la mida ma soo galayaan reebitaankaas.
Tixraac

سنن أبي داود (6/ 144) (4031). مسند أحمد (9/ 126) (5115). توضيح الأحكام من بلوغ المرام، للبسام (7/ 363). منحة العلام في شرح بلوغ المرام، لعبد الله الفوزان (10/ 157). فتح ذي الجلال والاكرام بشرح بلوغ المرام، لابن عثيمين (6/ 335). مشكاة المصابيح، للتبريزي (2/ 1246).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Isu ekeysiinta la reebay

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com