Waxaa la reebay in muslimiintu isku ekaysiiyaan gaalada, waa isku mid haday uga ekaadaan xaga caqiidadooda, ama cibaadadooda ama ciidahooda, ama dharkooda u gaarka ah.
waxyaabaha macnawiga ah in lagu cadeeyo tusaale la taaban karo waxay ka mid tahay usluubka Islaamku dadka wax ku baro.
Abeeso lugaley: waa xayawaan godkiisu aad mugdi u yahay oo qarmuun, waana xamaaratada saxaraha ku badan, sababta tusaalaha loogu gaar yeelay godka abeeso lugaleyda waa inuu aad ciriiri u yahay iyo xumaantiisa, sidaasoo ay tahay siday raadkooda ugu dayanayaan oo dariiqooda u raacayaan hadii ay galaan wax la mida godkaas ciriiriga ah oo xun way ku raacayaan! Ilaahay ayaa kaalmo lehe.
Tixraac
صحيح البخاري (9/ 103) (7320).
صحيح مسلم (4/ 2054) (2669).
الجديد في شرح كتاب التوحيد، لمحمد القرعاوي (ص213).
الملخص في شرح كتاب التوحيد، لصالح الفوزان (ص193).
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in qofkii isku ekaysiiya qolo gaalo ah ama faasiqiina ama saalixiina isagoo samaynaya wax ka mida wixii lagu yaqaanay, sida caqiidada, cibaadada iyo caadooyinka iyaguu ka mid yahay, waayo oogada oo ay isaga ekaadaan waxay keenaysaa inay gudaha isaga ekaadaan, shakina malaha in hadii qolo la isu ekaysiiyo ay ka imaanayso inay cajabiyeen, taaso keeni karta inuu jeclaado oo weyneeyo oo uu ku dhex jiro, taaso Qofka u keeni karta inuu uga ekaado xaga gudaha iyo cibaadada, Ilaahay ayaan ka magan galnaye.
Faa’iidooyin
Waxaa laga digayaa isku ekeysiinta gaalada iyo faasiqiinta.
Waxaa la isku boorinayaa isku ekaysiinta saalixiinta iyo ku dayashadooda.
Dusha oo la isaga ekaado waxay dhaxal siinaysaa in uurka la iska jeclaado.
qofku goodiga iyo danbiga wuxuu ka qaadanayaa hadba sida uu yahay isu ekaysiintiisu iyo nooca ay tahay.
waxaa la iska reebay in la isu ekaysiiyo gaalada diintooda iyo caadooyinkooda u gaarka ah, wixiise aan intaas ahayn sida in laga barto farsamada iyo wixii la mida ma soo galayaan reebitaankaas.
Tixraac
سنن أبي داود (6/ 144) (4031).
مسند أحمد (9/ 126) (5115).
توضيح الأحكام من بلوغ المرام، للبسام (7/ 363).
منحة العلام في شرح بلوغ المرام، لعبد الله الفوزان (10/ 157).
فتح ذي الجلال والاكرام بشرح بلوغ المرام، لابن عثيمين (6/ 335).
مشكاة المصابيح، للتبريزي (2/ 1246).