Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu waayey Thaabit Binu Qays-Allaha ka raali noqde-, markaasuu waydiiyey, nin baa yiri: anaa kuu soo helaaya warkiisa iyo sababta uu la maqan yahay wuu aaday, wuxuu helay isagoo murugaysan, oo hoos egaaya, oo gurigiisa jooga , wuu waydiiyey: maxaa ku helay? Thaabit wuxuu u sheegay: inuu shar ku sugan yahay, waayo wuxuu hadalkiisa kor uga dhigi jiray hadalka Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee , Ilaahayna qofka sidaa sameeya wuxuu ugu yaboohay in camalkiisu buraayo oo uu Naarta gelaayo. Ninkii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayuu ku soo noqday wuuna u sheegay warkii, Nibagaa amray ninkii inuu ku laabto Thaabit, uguna bishaareeyo inaanu ahayn kuwa naar galaya, oo uu yahay kuwa janada galaya, waayo codkiisu abuur ahaan buu u dheeraa, wuxuuna ahaa khadiibka (gud biyaha warka si dadku u wada maqlaan hadalka) Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee iyo khadiibka reer Ansaar.
- Cadeyn Thaabit Binu Qeys-Allaha ka raali noqdee-saxaabi fadli badan oo kuwa Janada galaya inuu ahaa.
- Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu si wayn uga war hayey Asxaabta wuuna hor meeri jiray iyaga.
- Asaxaabtu Allaha ka raali ahaadee aad bay uga cabsan jireen oo uga baqayeen in camalkoodu buro,
- Waxaa waajib ah in si edeb leh loola hadlo Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee noloshiisa, hoosna loo dhigo codkiisa marka la maqlo sunadiisa dhimashadiisa ka dib.
صحيح البخاري (4/ 201) (3613)، صحيح مسلم (1/ 110) (119)، فتح الباري لابن حجر (6/ 620)، عمدة القاري شرح صحيح البخاري (16/ 146)، النهاية في غريب الحديث والأثر (ص 183).