U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Fadliga Saxaabada Allah raali ka noqdee

3 xadiis

Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate- wuxuu xaalka ansaar ka yiri: "mu`umin uun baa jeclaada, munaafaq uun baana u carooda, cida jeclaata Ilaahay ayaa jeclaada, cida u carootana Ilaahay ayaa u carooda

عَنِ الْبَرَاءِ رضي الله عنه: عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ أَنَّهُ قَالَ فِي الْأَنْصَارِ: «لَا يُحِبُّهُمْ إِلَّا مُؤْمِنٌ، وَلَا يُبْغِضُهُمْ إِلَّا مُنَافِقٌ، مَنْ أَحَبَّهُمْ أَحَبَّهُ اللهُ وَمَنْ أَبْغَضَهُمْ أَبْغَضَهُ اللهُ».
Bara`a -Allaha ka raali ahaadee-: Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate- wuxuu xaalka ansaar ka yiri: "mu`umin uun baa jeclaada, munaafaq uun baana u carooda, cida jeclaata Ilaahay ayaa jeclaada, cida u carootana Ilaahay ayaa u carooda."
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- dadkii reer madiina ansaarta ay jeclaayeen waa astaan tusaysa iimaan kaamila, waana iyagoo ku hor maray inay u hiiliyaan Islaamka iyo Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-,iyo dadaalkii ay u galeen soo dhawayntii iyo dib u dejintii muslimiinta, iyo inay u hureen maalkooda iyo naftoodaba jidka Ilaahay, in loo caroodana waa astaanta nifaaqa. Ka dib wuxuu cadeeyey Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee cida ansaar jeclaata in Ilaahay jeclaanayo, cida u carootana Ilaahay u caroonayo.

Faa’iidooyin
  1. xadiiska waxaa ku sugan amaan wayn oo ansaar ay leedahay, jacaylkoodu wuxuu calaamad u yahay iimaanka, iyo in bari laga noqdo nifaaqa.
  2. Awliyada Ilaahay oo la jeclaado oo loo hiiliyo waxay sabab u tahay in Ilaahay adoonka jeclaado
  3. xadiiska waxaa ku cad fadliga wayn ee ay leeyihiin mu`muminiintii Islaamka ku soo hormary.
Tixraac

صحيح البخاري (5/ 32) (3783). صحيح مسلم (1/ 85) (75). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 447). تطريز رياض الصالحين، لفيصل آل مبارك (ص257). كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (6/ 258). شرح النووي على مسلم (2/ 63). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، مجموعة من الباحثين (1/ 350).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

waxaan idin farayaa Ilaahay cabsidi, iyo inaad maqashaan oo adeecdaan midka idiin madaxda ah hadii xataa uu yahay Adoon Xabashi ah, waxaad arki doontaan gadaashayda muran iyo is khilaaf daran, waxaan idiin dar-daarmayaa Sunadayda iyo Sunada khulafaa'u Raashidiinta hanoonsan ee iga dambaysa-

عن العِرْباضِ بن ساريةَ رضي الله عنه قال: قام فينا رسول الله صلى الله عليه وسلم ذات يوم، فوَعَظَنا مَوعظةً بليغةً وَجِلتْ منها القلوبُ، وذَرَفتْ منها العيونُ، فقيل: يا رسول الله، وعظتَنَا موعظةَ مُودِّعٍ فاعهد إلينا بعهد. فقال: «عليكم بتقوى الله، والسمع والطاعة، وإن عبدًا حبشيًّا، وسترون من بعدي اختلافًا شديدًا، فعليكم بسنتي وسنة الخلفاء الراشدين المهديين، عَضُّوا عليها بالنواجِذ، وإياكم والأمور المحدثات، فإن كل بدعة ضلالة».
Cirbaad Binu Saariyah Ilaahay ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabigaa naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee Maalin ayuu na dhex istaagay oo na wacdiyey, wacdi xeel dheer oo Quluubteenu cabsatay, Indhahayaguna ilmeeyeen, waxaana lagu yiri: Rasuulka Ilaahayow waxaad na wacdiday wacdi sagootin ah ee noo samee balan qaad, wuxuu ku yiri: " waxaan idin farayaa Ilaahay cabsidi, iyo inaad maqashaan oo adeecdaan midka idiin madaxda ah hadii xataa uu yahay Adoon Xabashi ah, waxaad arki doontaan gadaashayda muran iyo is khilaaf daran, waxaan idiin dar-daarmayaa Sunadayda iyo Sunada khulafaa'u Raashidiinta hanoonsan ee iga dambaysa-, Gaws dambeedka ku qabsada, waxaanan idiinka digayaa wax kastoo Diinta lagu soo daro, Bidco kastaana waa Baadi ".
Waa wariyay Abuu Daa'uud, At-Tirmidi, Ibnu Maajah, Iyo AxmedDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-wuxuu wacdiyey asaxaabtiisa wacdi xeel dheer, taasoy quluubta cabsi gelisay, indhuhuna la ilmeeyeen. Waxay dheheen -Asaxaabtu-Rasuulka Ilaahayow, waxay u eg tahay waano sagootin ah, waa markay arkeen siduu ugu xeel dheeraaday Nabigu- naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- waanada, waxay weydiisteen dardaaran ay qabasdaan gadaashiisa. Wuxuu ku yiri: waxaan idiin dardaarmayaa Ilaahay cabsidi, idinkoo la imaanaya waajibaadka , kana tegaya wixii la xarimay. iyo inaad maqashaan oo adeecdaan Madaxda, xataa haduu Madax idiin noqdo Adoon ama uu xoog idinku qabsado, yacni, haduu Madax idiin noqdo dadka kan ugu liita ha nicina ee adeeca, iyadoo laga baqayo fitan, Qofkii idinka mida ee noolaada wuxuu arki doonaa khilaaf badan. Ka dib wuxuu u sheegay sida looga bixi karo khilaafkaas, taaso ah in la qabsado Sunada Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-, iyo Sunada khulafad Raashidiinta ah ee Mahdiyiinta ah ee isaga ka dambeeya, kuwaasoo ah: Abii Bakar Asidiiq, Cumar Binu Khaddaab, Cusmaan Binu Cafaan, Cali Binu Abii Daalib,-Allah ka raali ahaado dhamaantoode-, hadalka Rasuulka ee ah: "caduu calayhaa bina-waajidi" waa gawsaha danbe, oo uu uga jeedo in Sunada la qabsado oo lagu taagnaado. Wuxuu uga digay wax kastoo Diinta lagu soodaro oo Bidca ah, waayo Bidco walba waa baadi.

Faa’iidooyin
  1. Xadiiska waxaa ku sugan ahmiyada ay leedahay in Sunada la qabsado oo la raaco.
  2. Xadiiska waxaa ku sugan in la ilaaliyo wacdiga iyo qalbi jiclcinta.
  3. Xadiiska waxaa ku sugan in la is amray in la raaco khulafada Raashidiinta ah ee Mahdiyiinta ah ee afarta ah ee Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ka danbeeyey, kuwaasoo ah: Abuu Bakar, Cumar, Cusmaan, Cali -Allaha ka raali ahaadee-.
  4. Xadiiska waxaa ku sugan in la diiday in Diinta Bidco lagu soo daro, Bidco kastana lumid tahay.
  5. Waa in la maqlo oo la adeeco cida Muuminiinta Mdax u noqota, iyadoon Macsi lagu raacayn.
  6. Xadiiska waxaa ku sugan in ahmiyad ay leedahay in Ilaahay casa wajala laga baqao waqti walba iyo xaalad walba.
  7. khilaafku wuu ka dhacayaa ummaddaan, hadii uu dhacana waa waajib in loo laabto Sunada Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee iyo tii Khulafada Raashidiinta ah.
Tixraac

الأربعون النووية (ص: 89) (ح28)، سنن أبي داود (7/ 16) (4607)، سنن الترمذي (4/ 408) (2676)، سنن ابن ماجه (1/ 28) (42)، مسند أحمد (28/ 367) (17142)، تحفة الأحوذي (7/ 366)، عون المعبود وحاشية ابن القيم (12/ 235)، شرح الأربعين النووية للعثيمين (ص: 278).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

u tag isaga waxaadna ku tiraahdaa ka mid maahid ahlu naarka, ee waxaad ka mid tahay ahlu Janada

عَنْ ‌أَنَسِ بْنِ مَالِكٍ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ: أَنَّ النَّبِيَّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ افْتَقَدَ ثَابِتَ بْنَ قَيْسٍ، فَقَالَ رَجُلٌ: يَا رَسُولَ اللهِ، أَنَا أَعْلَمُ لَكَ عِلْمَهُ، فَأَتَاهُ فَوَجَدَهُ جَالِسًا فِي بَيْتِهِ، مُنَكِّسًا رَأْسَهُ، فَقَالَ: مَا شَأْنُكَ؟ فَقَالَ شَرٌّ، كَانَ يَرْفَعُ صَوْتَهُ فَوْقَ صَوْتِ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ، فَقَدْ حَبِطَ عَمَلُهُ، وَهُوَ مِنْ أَهْلِ النَّارِ، فَأَتَى الرَّجُلُ فَأَخْبَرَهُ أَنَّهُ قَالَ كَذَا وَكَذَا، فَرَجَعَ الْمَرَّةَ الْآخِرَةَ بِبِشَارَةٍ عَظِيمَةٍ، فَقَالَ: «اذْهَبْ إِلَيْهِ فَقُلْ لَهُ: إِنَّكَ لَسْتَ مِنْ أَهْلِ النَّارِ، وَلَكِنْ مِنْ أَهْلِ الْجَنَّةِ».
Anas Binu Maalik Allaha ka raali noqde waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabiga scw wuxuu waayey Thaabit Binu Qays, nin ayaa yiri: Rasuul Ilaayahow, anaa warkiisa ku soo ogaysiin, wuu u tagay isagoo gurigiisa fadhiya, oo hoos eegaya, wuxuu ku yiri: maxaa ku helay?, wuuxuu yiri: waa shar, codkiisa ayuu codka Nabiga scw ka dulmarin jiray oo camalkiisii waa buray, wuxuun ka mid yahay ahlu naarka, ninkii Nabiguu scw u yimid oo u sheegay inuu caynkaa iyo caynkaa yiri, mar labaad ayuu ku soo noqday isagoo bishaaro wayn u wada, wuxuuna ku yiri: " u tag isaga waxaadna ku tiraahdaa ka mid maahid ahlu naarka, ee waxaad ka mid tahay ahlu Janada.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu waayey Thaabit Binu Qays-Allaha ka raali noqde-, markaasuu waydiiyey, nin baa yiri: anaa kuu soo helaaya warkiisa iyo sababta uu la maqan yahay wuu aaday, wuxuu helay isagoo murugaysan, oo hoos egaaya, oo gurigiisa jooga , wuu waydiiyey: maxaa ku helay? Thaabit wuxuu u sheegay: inuu shar ku sugan yahay, waayo wuxuu hadalkiisa kor uga dhigi jiray hadalka Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee , Ilaahayna qofka sidaa sameeya wuxuu ugu yaboohay in camalkiisu buraayo oo uu Naarta gelaayo. Ninkii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayuu ku soo noqday wuuna u sheegay warkii, Nibagaa amray ninkii inuu ku laabto Thaabit, uguna bishaareeyo inaanu ahayn kuwa naar galaya, oo uu yahay kuwa janada galaya, waayo codkiisu abuur ahaan buu u dheeraa, wuxuuna ahaa khadiibka (gud biyaha warka si dadku u wada maqlaan hadalka) Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee iyo khadiibka reer Ansaar.

Faa’iidooyin
  1. Cadeyn Thaabit Binu Qeys-Allaha ka raali noqdee-saxaabi fadli badan oo kuwa Janada galaya inuu ahaa.
  2. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu si wayn uga war hayey Asxaabta wuuna hor meeri jiray iyaga.
  3. Asaxaabtu Allaha ka raali ahaadee aad bay uga cabsan jireen oo uga baqayeen in camalkoodu buro,
  4. Waxaa waajib ah in si edeb leh loola hadlo Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee noloshiisa, hoosna loo dhigo codkiisa marka la maqlo sunadiisa dhimashadiisa ka dib.
Tixraac

صحيح البخاري (4/ 201) (3613)، صحيح مسلم (1/ 110) (119)، فتح الباري لابن حجر (6/ 620)، عمدة القاري شرح صحيح البخاري (16/ 146)، النهاية في غريب الحديث والأثر (ص 183).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com