Lr. 99Kitaabka 3, lr. 41
حَدَّثَنَا عَبْدُ الْعَزِيزِ بْنُ عَبْدِ اللَّهِ، قَالَ حَدَّثَنِي سُلَيْمَانُ، عَنْ عَمْرِو بْنِ أَبِي عَمْرٍو، عَنْ سَعِيدِ بْنِ أَبِي سَعِيدٍ الْمَقْبُرِيِّ، عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ، أَنَّهُ قَالَ قِيلَ يَا رَسُولَ اللَّهِ، مَنْ أَسْعَدُ النَّاسِ بِشَفَاعَتِكَ يَوْمَ الْقِيَامَةِ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم " لَقَدْ ظَنَنْتُ يَا أَبَا هُرَيْرَةَ أَنْ لاَ يَسْأَلَنِي عَنْ هَذَا الْحَدِيثِ أَحَدٌ أَوَّلُ مِنْكَ، لِمَا رَأَيْتُ مِنْ حِرْصِكَ عَلَى الْحَدِيثِ، أَسْعَدُ النَّاسِ بِشَفَاعَتِي يَوْمَ الْقِيَامَةِ مَنْ قَالَ لاَ إِلَهَ إِلاَّ اللَّهُ، خَالِصًا مِنْ قَلْبِهِ أَوْ نَفْسِهِ ".
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaa lagu yiri: Rasuulkii Ilaahayow dadka yaa ugu mudan shafaacadaada Maalinta Qiyaame? wuxuu yiri Rasuulkii Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: "waxaan filayey Abaa Hureyrow inaanu i waydiinayn xadiiskaan qof adiga kaa horeeya markaan arkay sidaad ugu dadaalaysid Xadiiska, Qofka dadka ugu mudan shafaacadeyda Naalinta Qiyaame, waa Qofka qalbigiisa ama naftiisa si ikhlaas ah uga yiraahda laa Ilaaha ilaa Allaah".
Tarjumaad: HadeethEnc.comSharraxaaddiisa
Ishu wax darajayn ah uma diiwaangelin xadiiskan.
Halka Encyclopedia-da Xadiisyada Nebiga ee la Tarjumay (HadeethEnc.com) ay ku jirto qoraalka xadiis isaga oo kale ah, tarjumaaddeeda waxaa lagu muujiyaa xadiiskaas hoostiisa iyadoo isha la magacaabay. Labada waxaa isku lammaaniyay barnaamij, isagoo eegaya Carabiga oo keliya: qoraalka xadiiska ee encyclopedia-da oo dhan, oo uu la socdo magaca Saxaabiga ku xusan, waa dhammaadka xadiiska xaraf xaraf. Cidna ma hubin isku-lammaanintan, dib-u-eegayaasha Sabīl-na ma baarin tarjumaadda. Carabigu waa qoraalka.
Kitaabka 3 · KnowledgeQoraalka Carabiga, lambaraynta, magacyada kutubta iyo darajaynta waxaa loo muujiyay sida ay ugu yaallaan xog-ururin furan (hadith-api), iyadoon waxba laga beddelin. Sabīl weli ma xaqiijin saxnaanteeda iyo xuquuqdeeda, dib-u-eegisteeda culimaduna weli ma bilaaban. Ilaa markaas, xadiiska barbar dhig daabacaad warqad ah ka hor intaadan ku tiirsan.