Saxiix al-Bukhaari
Lr. 846
Lr. 846Kitaabka 10, lr. 238
حَدَّثَنَا عَبْدُ اللَّهِ بْنُ مَسْلَمَةَ، عَنْ مَالِكٍ، عَنْ صَالِحِ بْنِ كَيْسَانَ، عَنْ عُبَيْدِ اللَّهِ بْنِ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ عُتْبَةَ بْنِ مَسْعُودٍ، عَنْ زَيْدِ بْنِ خَالِدٍ الْجُهَنِيِّ، أَنَّهُ قَالَ صَلَّى لَنَا رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم صَلاَةَ الصُّبْحِ بِالْحُدَيْبِيَةِ عَلَى إِثْرِ سَمَاءٍ كَانَتْ مِنَ اللَّيْلَةِ، فَلَمَّا انْصَرَفَ أَقْبَلَ عَلَى النَّاسِ فَقَالَ " هَلْ تَدْرُونَ مَاذَا قَالَ رَبُّكُمْ ". قَالُوا اللَّهُ وَرَسُولُهُ أَعْلَمُ. قَالَ " أَصْبَحَ مِنْ عِبَادِي مُؤْمِنٌ بِي وَكَافِرٌ، فَأَمَّا مَنْ قَالَ مُطِرْنَا بِفَضْلِ اللَّهِ وَرَحْمَتِهِ فَذَلِكَ مُؤْمِنٌ بِي وَكَافِرٌ بِالْكَوْكَبِ، وَأَمَّا مَنْ قَالَ بِنَوْءِ كَذَا وَكَذَا فَذَلِكَ كَافِرٌ بِي وَمُؤْمِنٌ بِالْكَوْكَبِ ".
Sayd Binu Khaalid Aljuhani Ilaahay ha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulkii Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaa nagu tujiyey Salaadii Subaxa Xudeybiya iyado Rabeenkaas roob da'ay markuu Salaadii ka baxay ayuu dadka ku soo jeestey, wuxuuna yiri: "ma og tihiin wuxuu Rabigiin yiri, waxay dheheen: Ilaahay iyo Rasuulkiisaa og, wuxuu yiri: Adoomadayda waxaa waagu u baryey iyago midna i rumeeyey midna kufriyey, Qofkii yiraahda:Ilaahay fadligiisa iyo raxmadiisa ayaa roobku noogu da'ay, waa mid I rumeeyey kuna kufriyey xidiga, Qofkase yiraahda xidig hebel iyo hebel, kaasi wuu igu kufriyey wuxuuna rumeeyey xidiga".
Tarjumaad: HadeethEnc.comSharraxaaddiisa
Ishu wax darajayn ah uma diiwaangelin xadiiskan.
Halka Encyclopedia-da Xadiisyada Nebiga ee la Tarjumay (HadeethEnc.com) ay ku jirto qoraalka xadiis isaga oo kale ah, tarjumaaddeeda waxaa lagu muujiyaa xadiiskaas hoostiisa iyadoo isha la magacaabay. Labada waxaa isku lammaaniyay barnaamij, isagoo eegaya Carabiga oo keliya: qoraalka xadiiska ee encyclopedia-da oo dhan, oo uu la socdo magaca Saxaabiga ku xusan, waa dhammaadka xadiiska xaraf xaraf. Cidna ma hubin isku-lammaanintan, dib-u-eegayaasha Sabīl-na ma baarin tarjumaadda. Carabigu waa qoraalka.
Kitaabka 10 · Call to Prayers (Adhaan)Qoraalka Carabiga, lambaraynta, magacyada kutubta iyo darajaynta waxaa loo muujiyay sida ay ugu yaallaan xog-ururin furan (hadith-api), iyadoon waxba laga beddelin. Sabīl weli ma xaqiijin saxnaanteeda iyo xuquuqdeeda, dib-u-eegisteeda culimaduna weli ma bilaaban. Ilaa markaas, xadiiska barbar dhig daabacaad warqad ah ka hor intaadan ku tiirsan.