U bood nuxurka
Suuradda 9 · Aayadda 91

At-Tawba 9:91

التوبة

لَّيْسَ عَلَى ٱلضُّعَفَآءِ وَلَا عَلَى ٱلْمَرْضَىٰ وَلَا عَلَى ٱلَّذِينَ لَا يَجِدُونَ مَا يُنفِقُونَ حَرَجٌ إِذَا نَصَحُوا۟ لِلَّهِ وَرَسُولِهِۦ ۚ مَا عَلَى ٱلْمُحْسِنِينَ مِن سَبِيلٍ ۚ وَٱللَّهُ غَفُورٌ رَّحِيمٌ

Macne

91. Wax eed ah ma saarna korkooda kuwa tabarta yar [28] ama bukaanka ah, ama kuwa aan heli karin waxay bixiyaan hadday daacad u yihiin Alle iyo Rasuulkiisa [29]. Ma jiro jid lagu eed saari karo sama falayaasha. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

[28]. Haweenka iyo carruurta, iyo ducafada, iyo bukaanka iyo dadka da’da weyn.
[29]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Diintu waa daacad ahaansho. Waxaanu nidhi : Yaa loo ahaan? Wuxuu yidhi: Allaah, Kitaabkiisa, Rasuulkiisa, madaxda Muslimiinta, iyo dadweynaha guud ahaan”. W.w. Muslim.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

At-Tawba

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net