U bood nuxurka
Suuradda 9 · Aayadda 74

At-Tawba 9:74

التوبة

يَحْلِفُونَ بِٱللَّهِ مَا قَالُوا۟ وَلَقَدْ قَالُوا۟ كَلِمَةَ ٱلْكُفْرِ وَكَفَرُوا۟ بَعْدَ إِسْلَـٰمِهِمْ وَهَمُّوا۟ بِمَا لَمْ يَنَالُوا۟ ۚ وَمَا نَقَمُوٓا۟ إِلَّآ أَنْ أَغْنَىٰهُمُ ٱللَّهُ وَرَسُولُهُۥ مِن فَضْلِهِۦ ۚ فَإِن يَتُوبُوا۟ يَكُ خَيْرًا لَّهُمْ ۖ وَإِن يَتَوَلَّوْا۟ يُعَذِّبْهُمُ ٱللَّهُ عَذَابًا أَلِيمًا فِى ٱلدُّنْيَا وَٱلْـَٔاخِرَةِ ۚ وَمَا لَهُمْ فِى ٱلْأَرْضِ مِن وَلِىٍّ وَلَا نَصِيرٍ

Macne

74. Waxay ku dhaaran Alle inaanay odhan (hadal gaalnimo ah), iyagoo yidhi erey gaalnimo ah, waxayna gaaloobeen kaddib markay islaameen (islaamnimo dusha ah), oyna goosteen waxay gaadhi kari waayeen [26], kumana ayan nicin (Islaamka) wax kale aan ahayn inay hodan ka noqdeen deeqda Alle iyo Rasuulkiisa. Hadday tawbad keenaan iyagay u roon tahay, haddayse jeesadaan, Alle wuxuu cadaabi cadaab xanuun badan adduun iyo Aakhiraba, kumana leh dhulka sokeeye iyo gargaare midna.

[26]. Waa dilka Nabiga s.c.w.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

At-Tawba

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net