At-Tawba 9:71
التوبةوَٱلْمُؤْمِنُونَ وَٱلْمُؤْمِنَـٰتُ بَعْضُهُمْ أَوْلِيَآءُ بَعْضٍ ۚ يَأْمُرُونَ بِٱلْمَعْرُوفِ وَيَنْهَوْنَ عَنِ ٱلْمُنكَرِ وَيُقِيمُونَ ٱلصَّلَوٰةَ وَيُؤْتُونَ ٱلزَّكَوٰةَ وَيُطِيعُونَ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥٓ ۚ أُو۟لَـٰٓئِكَ سَيَرْحَمُهُمُ ٱللَّهُ ۗ إِنَّ ٱللَّهَ عَزِيزٌ حَكِيمٌ
71. Mu’miniintu iyo mu’minooyinka, waa xigaalo iyo sokeeye midba kan kale [25], waxay amraan samaanta, oo reebaan xumaanta; oo oogaan salaadda, oo bixiyaan Zakada, oo adeecaan Alle iyo Rasuulkiisa. Kuwani, Alle wuu u naxariisan doonaa; hubaal Alle waa Adkaade, Xakiim ah.
[25]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Mu’minku wuxuu u yahay mu’minka sida dhista qaarkeed qaarka kale uu xoojiyo. Xadiis kalena wuxuu sheegay inay jir keliya yihiin isu damqada oo is jecel yihiin.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net