At-Tawba 9:40
التوبةإِلَّا تَنصُرُوهُ فَقَدْ نَصَرَهُ ٱللَّهُ إِذْ أَخْرَجَهُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ ثَانِىَ ٱثْنَيْنِ إِذْ هُمَا فِى ٱلْغَارِ إِذْ يَقُولُ لِصَـٰحِبِهِۦ لَا تَحْزَنْ إِنَّ ٱللَّهَ مَعَنَا ۖ فَأَنزَلَ ٱللَّهُ سَكِينَتَهُۥ عَلَيْهِ وَأَيَّدَهُۥ بِجُنُودٍ لَّمْ تَرَوْهَا وَجَعَلَ كَلِمَةَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ ٱلسُّفْلَىٰ ۗ وَكَلِمَةُ ٱللَّهِ هِىَ ٱلْعُلْيَا ۗ وَٱللَّهُ عَزِيزٌ حَكِيمٌ
40. Haddaydaan u hiillin (Nabiga), Alle baa u hiilliyey, markay debedda u soo saareen gaalada, isagoo labo midkood ah [14] markay labaduba ku jireen hogga, markuu (Nabigu) ku lahaa saaxiibki: Ha murugoon, Alle baa na la jira'e. Kolkaas buu Alle ku soo dejiyey xasillooni, oo uu ku xoojiyey ciidammo (malaa’ig) aydaan arkin, oo ka dhigay mid hooseysa kelmedda gaalada, oo Kelmedda Alle [15], waa taa sarreysa. Alle waa Adkaade, Xakiim ah.
[14]. Kan labeeya wuxuu ahaa saaxiibkiis Abuu Bakar.
[15]. Kelmeddaa waa Laa ilaaha illal laah (ma jiro ilaah xaq ah aan ahayn Allaah).
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net