U bood nuxurka
Suuradda 9 · Aayadda 31

At-Tawba 9:31

التوبة

ٱتَّخَذُوٓا۟ أَحْبَارَهُمْ وَرُهْبَـٰنَهُمْ أَرْبَابًا مِّن دُونِ ٱللَّهِ وَٱلْمَسِيحَ ٱبْنَ مَرْيَمَ وَمَآ أُمِرُوٓا۟ إِلَّا لِيَعْبُدُوٓا۟ إِلَـٰهًا وَٰحِدًا ۖ لَّآ إِلَـٰهَ إِلَّا هُوَ ۚ سُبْحَـٰنَهُۥ عَمَّا يُشْرِكُونَ

Macne

31. Waxay ka yeesheen qaysaskoodii iyo suufiyadoodii rabbiyo Alle sokadi, iyo (sidoo kale) Masiixa ina Maryam, iyagoo la amray inaanay caabudin waxaan ahayn Allaah Keliya. Ma jiro ilaah (Xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn. Xurmo oo dhan Isagaa leh, wuu ka sarreeyaa oo hufan yahay waxay wax la wadaajiyaan [7].

[7]. Waxay ku talax tageen adeecidda qaysaska iyo suufida oo xadka kaga baxeen, way adeecayeen xitaa hadday amraan macsi ama xalaal uga dhigaan wax xaaraan ah, waana taasi midda uu Alle ku tilmaamay inay tahay caabudaad ay caabudeen, waxaana la yidhaahdaa arrinkan shirki xagga adeecidda ah, waana shirki weyn oo diinta looga baxo, qofku waa inuu uun adeecaa Allaah iyo Rasuulkiisa, oo waa inuusan cidna ku adeecin wax khilaafsan sharciga Alle.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

At-Tawba

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net