U bood nuxurka
Suuradda 9 · Aayadda 3

At-Tawba 9:3

التوبة

وَأَذَٰنٌ مِّنَ ٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦٓ إِلَى ٱلنَّاسِ يَوْمَ ٱلْحَجِّ ٱلْأَكْبَرِ أَنَّ ٱللَّهَ بَرِىٓءٌ مِّنَ ٱلْمُشْرِكِينَ ۙ وَرَسُولُهُۥ ۚ فَإِن تُبْتُمْ فَهُوَ خَيْرٌ لَّكُمْ ۖ وَإِن تَوَلَّيْتُمْ فَٱعْلَمُوٓا۟ أَنَّكُمْ غَيْرُ مُعْجِزِى ٱللَّهِ ۗ وَبَشِّرِ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ بِعَذَابٍ أَلِيمٍ

Macne

3. Waa ogeysiis xagga Alle iyo Rasuulkiisa ah oo ku socda dadka maalinta Iidweynta Xajka [2] inuu Alle barii ka yahay gaalada Mushrikiinta ah, sidoo kale Rasuulkiisu. Ee haddaad idinku (mushrikiintoy) tawbad keentaan, waa sida idiin khayr roon, haddaad se jeesataan, ogaada inaydaan caajis galin kareyn Alle. Ugu bishaaree gaalada cadaab xanuun badan.

[2]. Waxay isku khilaafeen mufasiriinta macnaha iidweynta Xajka, qaarkood waxay yidhaahdeen waxaa loola jeedaa Maalinta Gowraca - Adxada, qaar kalena waxay yidhaahdeen: waa maalinta Carafa, waxaana loola jeedaa halkan Xajka weyn wixii dhacay sannadkii 10aad ee hijrada.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

At-Tawba

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net