At-Tawba 9:29
التوبةقَـٰتِلُوا۟ ٱلَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِٱللَّهِ وَلَا بِٱلْيَوْمِ ٱلْـَٔاخِرِ وَلَا يُحَرِّمُونَ مَا حَرَّمَ ٱللَّهُ وَرَسُولُهُۥ وَلَا يَدِينُونَ دِينَ ٱلْحَقِّ مِنَ ٱلَّذِينَ أُوتُوا۟ ٱلْكِتَـٰبَ حَتَّىٰ يُعْطُوا۟ ٱلْجِزْيَةَ عَن يَدٍ وَهُمْ صَـٰغِرُونَ
29. La dagaallama kuwa aan rumeysnayn Alle, iyo Maalinta Aakhiro, aan xaaraameyn waxay xaaraameeyeen Alle iyo Rasuulkiisu, ee aan ka diin dhigan raacinna Diinta Xaqa ah ee ka mid ah ehlu Kitaabka 'Yuhuudda iyo Nasaarada', ilaa ay ka dhiibaan Jisyo [6] si raalli leh iyagoo hoggaansan.
[6]. Jizyo waa canshuur laga qaado dadka aan muslimka ahayn iyagoo laga cafiyo shaqada millateriga, oo waxay ku mutaan sidaas ilaalinta iyo difaaca dawladda islaamka. Dhinaca kale sako lagama qaado gaalada, oo waxay saaran tahay inay sako bixiyaan muslimiinta oo keliya.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net