U bood nuxurka
Suuradda 9 · Aayadda 24

At-Tawba 9:24

التوبة

قُلْ إِن كَانَ ءَابَآؤُكُمْ وَأَبْنَآؤُكُمْ وَإِخْوَٰنُكُمْ وَأَزْوَٰجُكُمْ وَعَشِيرَتُكُمْ وَأَمْوَٰلٌ ٱقْتَرَفْتُمُوهَا وَتِجَـٰرَةٌ تَخْشَوْنَ كَسَادَهَا وَمَسَـٰكِنُ تَرْضَوْنَهَآ أَحَبَّ إِلَيْكُم مِّنَ ٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦ وَجِهَادٍ فِى سَبِيلِهِۦ فَتَرَبَّصُوا۟ حَتَّىٰ يَأْتِىَ ٱللَّهُ بِأَمْرِهِۦ ۗ وَٱللَّهُ لَا يَهْدِى ٱلْقَوْمَ ٱلْفَـٰسِقِينَ

Macne

24. Dheh: Hadday aabbayaashiin, wiilashiinna, walaalihiin, xaasaskiinna, xigtadiinna; maal aad tabcateen, ganacsi aad uga baqeysaan iibsi la’aan, iyo guryo aad ka raalli tihiin ay idinkala weyn yihiin oo ka jeceshihiin Alle iyo Rasuulkiisa, iyo u jihaadka Jidkiisa, marka suga inta Alle ka fuliyo Amarkiisa. Alle ma hanuuniyo qoloda fallaagada ah [4].

[4]. Abuu Hurayra a.k.r. waxaa laga soo weriyey in Nabigu s.c.w. yidhi: “Qofkii dhinta isagoon u duulin Dar Alle, oo aan u hanqal taagin ( macnaha aysan ku jirin) inuu duulo oo ka qayb qaato jihaadka Jidka Alle ah, wuxuu dhintaa isaga oo ay ku jirto qayb munaafiqnimo ah».

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

At-Tawba

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net