U bood nuxurka
Suuradda 8 · Aayadda 7

Al-Anfaal 8:7

الأنفال

وَإِذْ يَعِدُكُمُ ٱللَّهُ إِحْدَى ٱلطَّآئِفَتَيْنِ أَنَّهَا لَكُمْ وَتَوَدُّونَ أَنَّ غَيْرَ ذَاتِ ٱلشَّوْكَةِ تَكُونُ لَكُمْ وَيُرِيدُ ٱللَّهُ أَن يُحِقَّ ٱلْحَقَّ بِكَلِمَـٰتِهِۦ وَيَقْطَعَ دَابِرَ ٱلْكَـٰفِرِينَ

Macne

7. (Xusuusta, mu’miniintoy) markuu Alle idiin ballan qaaday mid ka mid ah labada kooxood [3] inaad is-heli doontaan, waxaadna jecleydeen tan aan hubeysnayn inaad is-heshaan [4], Allena wuxuu doonayey inuu ku sugo Xaqa Kelmedihiisa, oo gooyo cidhibta gaalada.

[3]. Colka ka yimid Makkah ama safarkii badeecada siday ee ka yimid Suuriya.
[4]. Abuu Sufyaan wuxuu ka yimid safar Suuriya ah isagoo badeecad aad u tiro badan ka keenay. Qolo hubeysanna waxay ka yimaadeen xagga Makkah, waxaana hoggaaminayey Cutba bin Rabiicah, iyo Abuu Jahal.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Al-Anfaal

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net