Al-Anfaal 8:42
الأنفالإِذْ أَنتُم بِٱلْعُدْوَةِ ٱلدُّنْيَا وَهُم بِٱلْعُدْوَةِ ٱلْقُصْوَىٰ وَٱلرَّكْبُ أَسْفَلَ مِنكُمْ ۚ وَلَوْ تَوَاعَدتُّمْ لَٱخْتَلَفْتُمْ فِى ٱلْمِيعَـٰدِ ۙ وَلَـٰكِن لِّيَقْضِىَ ٱللَّهُ أَمْرًا كَانَ مَفْعُولًا لِّيَهْلِكَ مَنْ هَلَكَ عَنۢ بَيِّنَةٍ وَيَحْيَىٰ مَنْ حَىَّ عَنۢ بَيِّنَةٍ ۗ وَإِنَّ ٱللَّهَ لَسَمِيعٌ عَلِيمٌ
42. (Xusuusta) markaad idinku joogteen docda soke 'ee togga' [13], iyaguna ay joogeen docda shishe, halka safarkii badeecadda siday idinka hooseeyay. Haddaad goosan laheydeen waqti aad dhexdiinna ku ballantaan, waad seegi laheydeen ballankaas, laakiinse (waad is hesheen) si Alle u fuliyo arrin horey uu u qaddaray; si ciddii halaagsami si cad ugu halaagsanto, ciddii noolaanna si cad ugu noolaato. Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.
[13]. Muslimiinta waxay ku sugnaayeen waqtigaa dhinaca togga u dhow Madiina, halka gaalada joogeen dhinaca kale ee togga ee ka fog Madiina, safarkiise badeecadda siday ee Abuu Sufyaan wuxuu soo marayey xeebta badda oo 5 mayl u jirta Badar.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net