Al-Anfaal 8:12
الأنفالإِذْ يُوحِى رَبُّكَ إِلَى ٱلْمَلَـٰٓئِكَةِ أَنِّى مَعَكُمْ فَثَبِّتُوا۟ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ ۚ سَأُلْقِى فِى قُلُوبِ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ ٱلرُّعْبَ فَٱضْرِبُوا۟ فَوْقَ ٱلْأَعْنَاقِ وَٱضْرِبُوا۟ مِنْهُمْ كُلَّ بَنَانٍ
12. Markuu Rabbigaa u waxyooday malaa’igta: Anigu waa idin la jiraaye ee qalbi suga kuwa (Xaqa) rumeeyey. Waxaan ku tuuri argagax quluubta kuwa gaaloobay, ee ku dhufta luqumaha korkooda, kuna dhufta xubnaha far kasta oo ay leeyihiin [5].
[5]. Tani waxay ka dhacday dagaalka, ujeeddadana waa gooya qoorta, laakiin hadduu cadowga xidho canbuur bireedyo oo ay adkaato in qoorta la gooyo, markaa waxaa la goyn gacanta si uu u qaadi kari waayo hubka, sida seefta, waranka, qoriga, iwm. Sidoo kale foodaha waxaa loola jeedaa faraha gacmahooda iyo cagahooda.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net