U bood nuxurka
Suuradda 7 · Aayadda 85

Al-A'raaf 7:85

الأعراف

وَإِلَىٰ مَدْيَنَ أَخَاهُمْ شُعَيْبًا ۗ قَالَ يَـٰقَوْمِ ٱعْبُدُوا۟ ٱللَّهَ مَا لَكُم مِّنْ إِلَـٰهٍ غَيْرُهُۥ ۖ قَدْ جَآءَتْكُم بَيِّنَةٌ مِّن رَّبِّكُمْ ۖ فَأَوْفُوا۟ ٱلْكَيْلَ وَٱلْمِيزَانَ وَلَا تَبْخَسُوا۟ ٱلنَّاسَ أَشْيَآءَهُمْ وَلَا تُفْسِدُوا۟ فِى ٱلْأَرْضِ بَعْدَ إِصْلَـٰحِهَا ۚ ذَٰلِكُمْ خَيْرٌ لَّكُمْ إِن كُنتُم مُّؤْمِنِينَ

Macne

85. Madyanna (waxaan u dirnay) walaalkood Shucayb. Wuxuu yidhi: Tolkaygiiyow! Caabuda Alle keliya, ma lihidin ilaah kale (oo xaq ah) Isaga maahee. Xujo cad waxay idiinka timid xagga (Alle) Rabbigiin; ee oofiya beegga iyo miisaanka ha ka dhimina dadka waxyaalahooda, hana ku falina fasahaad arlada inta la hagaajiyey kaddib, sidaasaa idiin khayr roon, haddaad tihiin mu’miniin.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Al-A'raaf

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net