U bood nuxurka
Suuradda 7 · Aayadda 206

Al-A'raaf 7:206

الأعراف

إِنَّ ٱلَّذِينَ عِندَ رَبِّكَ لَا يَسْتَكْبِرُونَ عَنْ عِبَادَتِهِۦ وَيُسَبِّحُونَهُۥ وَلَهُۥ يَسْجُدُونَ ۩

Macne

206. Kuwa ah Rabbigaa agti (waa malaa’igta) marnaba iskama weyneeyaan cibaadadiisa, wayna ka hufaan (xumaan iyo nuqsaan oo dhan) oo xurmo weyneeyaan, Isagayna u sujuudaan [15].

[15]. Tani waa mid ka mid ah Aayadaha la sujuudo marka la akhriyo, waa sida wanaagsan ee door roon in la sujuudo marka la akhriyo Aayad sajda leh, mase aha waajib in la sujuudo marka la akhriyo ama la maqlo ha ahaato salaad gudaheed ama debeddeed , waxaana sujuuddan la yiraahdaa sujuud at-tilaawah.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Al-A'raaf

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net