Al-A'raaf 7:169
الأعراففَخَلَفَ مِنۢ بَعْدِهِمْ خَلْفٌ وَرِثُوا۟ ٱلْكِتَـٰبَ يَأْخُذُونَ عَرَضَ هَـٰذَا ٱلْأَدْنَىٰ وَيَقُولُونَ سَيُغْفَرُ لَنَا وَإِن يَأْتِهِمْ عَرَضٌ مِّثْلُهُۥ يَأْخُذُوهُ ۚ أَلَمْ يُؤْخَذْ عَلَيْهِم مِّيثَـٰقُ ٱلْكِتَـٰبِ أَن لَّا يَقُولُوا۟ عَلَى ٱللَّهِ إِلَّا ٱلْحَقَّ وَدَرَسُوا۟ مَا فِيهِ ۗ وَٱلدَّارُ ٱلْـَٔاخِرَةُ خَيْرٌ لِّلَّذِينَ يَتَّقُونَ ۗ أَفَلَا تَعْقِلُونَ
169. Markaa baa waxaa yimid iyaga kaddib dad (xun) oo dhaxlay Kitaabka (Towraadda iyo Injiilka) oo qaadanaya waxyaalaha (aan bannaaneyn ee) nolosha tani soke (ee adduunyada), iyagoo leh: waa naloo denbi dhaafi. Hadduu u yimaado (mar kale) alaabo (raaxo adduunyo aan bannaaneyn) oo la mid ahi, way qaataan (sidoo kale). Miyaan lagaga qaadin ballan Kitaabka in aanay ka sheegin Alle waxaan ahayn xaq, iyagoo akhristay waxa ku yaalla (Kitaabka), Daarta Aakhiro baana u khayr badan kuwa Alle ka cabsada (ee iska jira xumaha). Ee miyeydaan wax fahmeyn?
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net