U bood nuxurka
Suuradda 7 · Aayadda 160

Al-A'raaf 7:160

الأعراف

وَقَطَّعْنَـٰهُمُ ٱثْنَتَىْ عَشْرَةَ أَسْبَاطًا أُمَمًا ۚ وَأَوْحَيْنَآ إِلَىٰ مُوسَىٰٓ إِذِ ٱسْتَسْقَىٰهُ قَوْمُهُۥٓ أَنِ ٱضْرِب بِّعَصَاكَ ٱلْحَجَرَ ۖ فَٱنۢبَجَسَتْ مِنْهُ ٱثْنَتَا عَشْرَةَ عَيْنًا ۖ قَدْ عَلِمَ كُلُّ أُنَاسٍ مَّشْرَبَهُمْ ۚ وَظَلَّلْنَا عَلَيْهِمُ ٱلْغَمَـٰمَ وَأَنزَلْنَا عَلَيْهِمُ ٱلْمَنَّ وَٱلسَّلْوَىٰ ۖ كُلُوا۟ مِن طَيِّبَـٰتِ مَا رَزَقْنَـٰكُمْ ۚ وَمَا ظَلَمُونَا وَلَـٰكِن كَانُوٓا۟ أَنفُسَهُمْ يَظْلِمُونَ

Macne

160. Waxaana u qaybinnay labo iyo toban qabiilood oo ummado ah. Waxaana u Waxyoonnay Muuse markay qolodiisii weydiisteen biyo: Ku dhufo dhagaxa ushaada, markaasaa waxaa kolkiiba ka soo burqaday labo iyo toban ilood: qolo walba waxay ogaatay meeshay biyaha ka cabbi laheyd. Waxaana ka yeelnay daruuraha inay harsiiyaan dushooda, oo ku soo dejinnay Manna (kimis macaan oo malab sidi ah) iyo Salwaa (hilib shimbir wanaagsan - Samaan): Wax ka cuna waxyaalaha wanaagsan ee aan idin siinnay. Nama ayan dulmin innagee, waxayse dulmeen nafahooda (oo u soo jiideen shar).

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Al-A'raaf

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net