Al-A'raaf 7:155
الأعرافوَٱخْتَارَ مُوسَىٰ قَوْمَهُۥ سَبْعِينَ رَجُلًا لِّمِيقَـٰتِنَا ۖ فَلَمَّآ أَخَذَتْهُمُ ٱلرَّجْفَةُ قَالَ رَبِّ لَوْ شِئْتَ أَهْلَكْتَهُم مِّن قَبْلُ وَإِيَّـٰىَ ۖ أَتُهْلِكُنَا بِمَا فَعَلَ ٱلسُّفَهَآءُ مِنَّآ ۖ إِنْ هِىَ إِلَّا فِتْنَتُكَ تُضِلُّ بِهَا مَن تَشَآءُ وَتَهْدِى مَن تَشَآءُ ۖ أَنتَ وَلِيُّنَا فَٱغْفِرْ لَنَا وَٱرْحَمْنَا ۖ وَأَنتَ خَيْرُ ٱلْغَـٰفِرِينَ
155. Wuxuu ka doortay Muuse qolodiisii toddobaatan nin ballankayaga dartiis, markuuse qabtay dhul gariir daran, wuxuu yidhi: Rabbiyow! Haddaad doonto, Waxaad halaagi laheyd iyaga awal hore iyo anigaba; ma waxaad noo halaageysaa waxa kuwa maan gaabka ah ee nagu jira ay faleen? Wax kale maahee waa oo keliya jarribaaddaada aad ku habaabiso qofkaad doonto, uguna sugtid hanuunsanaanta qofkaad doonto. Adigaa ah Gargaarahayaga, ee noo denbi dhaaf noona naxariiso, Adigaa u wanaagsan inta denbi dhaafta.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net