Al-A'raaf 7:150
الأعرافوَلَمَّا رَجَعَ مُوسَىٰٓ إِلَىٰ قَوْمِهِۦ غَضْبَـٰنَ أَسِفًا قَالَ بِئْسَمَا خَلَفْتُمُونِى مِنۢ بَعْدِىٓ ۖ أَعَجِلْتُمْ أَمْرَ رَبِّكُمْ ۖ وَأَلْقَى ٱلْأَلْوَاحَ وَأَخَذَ بِرَأْسِ أَخِيهِ يَجُرُّهُۥٓ إِلَيْهِ ۚ قَالَ ٱبْنَ أُمَّ إِنَّ ٱلْقَوْمَ ٱسْتَضْعَفُونِى وَكَادُوا۟ يَقْتُلُونَنِى فَلَا تُشْمِتْ بِىَ ٱلْأَعْدَآءَ وَلَا تَجْعَلْنِى مَعَ ٱلْقَوْمِ ٱلظَّـٰلِمِينَ
150. Markuu Muuse ku soo noqday qolodiisii isagoo cadhaysan oo walbahaar-san buu yidhi: Xumaa waxaad fasheen kaddib (tagisteydii). Ma waxaad ka degdegsasteen amarka Rabbigiin?Wuxuuna tuuray looxyadii, oo soo qabtay madaxa walaalki isagoo u soo jiidaya xaggiisa. (Haaruun) wuxuu yidhi: Ina hooyoow! Qolodani waxay ii arkeen daciif, waana I dili gaareen, ee ha igu farax gelin cadowga, hana igala mid dhigin qoloda daalimiinta ah (gar ma qaatayaasha).
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net