U bood nuxurka
Suuradda 7 · Aayadda 148

Al-A'raaf 7:148

الأعراف

وَٱتَّخَذَ قَوْمُ مُوسَىٰ مِنۢ بَعْدِهِۦ مِنْ حُلِيِّهِمْ عِجْلًا جَسَدًا لَّهُۥ خُوَارٌ ۚ أَلَمْ يَرَوْا۟ أَنَّهُۥ لَا يُكَلِّمُهُمْ وَلَا يَهْدِيهِمْ سَبِيلًا ۘ ٱتَّخَذُوهُ وَكَانُوا۟ ظَـٰلِمِينَ

Macne

148. Waxay ka yeesheen qolodii Muuse markuu ka soo tagey kaddib (si uu wada hadal ula yeesho Rabbigi, waxay ka yeesheen) dahabkoodii dibi qolof ah leh cod beynaax ah 'ay caabudaan' [6]. Miyaanay arkaynin inaanu la hadleyn, kuna toosineynin jid? Wayse yeesheen (si ay u caabudaan) waxayna ahaayeen daalimiin.

[6]. Sameyntooda sanam leh muuqaal dibi iyo caabudaadda ay caabudeen waxay ahayd imtixaan laga imtixaanay xagga Alle si uu u muujiyo qofka iimaankiisu sugan yahay oo xoog leeyahay iyo kan shakiga qaba. Kuwa iimaankooda daciifka ahaa waxay raaceen Saamiri,. Halka kuwa iimaankoodu xoog lahaa ay ku sugnaadeen Xaqa.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Al-A'raaf

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net