At-Talaaq 65:4
الطلاقوَٱلَّـٰٓـِٔى يَئِسْنَ مِنَ ٱلْمَحِيضِ مِن نِّسَآئِكُمْ إِنِ ٱرْتَبْتُمْ فَعِدَّتُهُنَّ ثَلَـٰثَةُ أَشْهُرٍ وَٱلَّـٰٓـِٔى لَمْ يَحِضْنَ ۚ وَأُو۟لَـٰتُ ٱلْأَحْمَالِ أَجَلُهُنَّ أَن يَضَعْنَ حَمْلَهُنَّ ۚ وَمَن يَتَّقِ ٱللَّهَ يَجْعَل لَّهُۥ مِنْ أَمْرِهِۦ يُسْرًا
4. Kuwa ka mid ah haweenkiinna ee ka quustay xaydka (dhiigga caadada), haddaad shakideen, ciddadoodu waa seddex bilood, iyo kuwa (sidoo kale) aan weli helin xaydka. Kuwase uurka leh (haddii la furo) ciddadooda waa intay ka dhigaan culeysyadooda oo ka dhalaan [5]. Qofkii dhowra (amarrada) Alle (oo ka dhowrsada xumaha) wuxuu uga dhigi arrinkiisa wax u fudud.
[5]. Xukunkan waxaa sidoo kale soo galaya marka uu ninka dhinto, haweenta uu ninkeeda dhinto iyadoo uur leh, ciddadeeda waa intay ka dhasho.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net