U bood nuxurka
Suuradda 62 · Aayadda 5

Al-Jumu'a 62:5

الجمعة

مَثَلُ ٱلَّذِينَ حُمِّلُوا۟ ٱلتَّوْرَىٰةَ ثُمَّ لَمْ يَحْمِلُوهَا كَمَثَلِ ٱلْحِمَارِ يَحْمِلُ أَسْفَارًۢا ۚ بِئْسَ مَثَلُ ٱلْقَوْمِ ٱلَّذِينَ كَذَّبُوا۟ بِـَٔايَـٰتِ ٱللَّهِ ۚ وَٱللَّهُ لَا يَهْدِى ٱلْقَوْمَ ٱلظَّـٰلِمِينَ

Macne

5. Tusaalaha kuwaa loo xil saaray Towraad- da, markaas aan ku camal falin oo gabay qaadista 'xilkaa' [2], waa sida dameer xambaarsan kutub [3] culus (aanse waxba ka fahmin). Xumaa tusaalaha kuwa beeniya Aayadaha Alle. Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah (gar diidka).

[2]. Waa dayacay xilkooda ka saarnaa inay dhaqan geliyaan waxa ku soo arooray oo amarro ah Kitaabkooda oo ka joogaan waxa laga reebay.
[3]. Ha yeeshee aan ka faa’idin waxa ku yaal oo xikmad iyo khayr ah.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Al-Jumu'a

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net