U bood nuxurka
Suuradda 6 · Aayadda 93

Al-An'aam 6:93

الأنعام

وَمَنْ أَظْلَمُ مِمَّنِ ٱفْتَرَىٰ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبًا أَوْ قَالَ أُوحِىَ إِلَىَّ وَلَمْ يُوحَ إِلَيْهِ شَىْءٌ وَمَن قَالَ سَأُنزِلُ مِثْلَ مَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ ۗ وَلَوْ تَرَىٰٓ إِذِ ٱلظَّـٰلِمُونَ فِى غَمَرَٰتِ ٱلْمَوْتِ وَٱلْمَلَـٰٓئِكَةُ بَاسِطُوٓا۟ أَيْدِيهِمْ أَخْرِجُوٓا۟ أَنفُسَكُمُ ۖ ٱلْيَوْمَ تُجْزَوْنَ عَذَابَ ٱلْهُونِ بِمَا كُنتُمْ تَقُولُونَ عَلَى ٱللَّهِ غَيْرَ ٱلْحَقِّ وَكُنتُمْ عَنْ ءَايَـٰتِهِۦ تَسْتَكْبِرُونَ

Macne

93. Yaa ka dulmi badan mid ka been sheega Alle, ama yidhaahda: Waa la ii waxyooday isagoo aan loo waxyoon waxba, iyo kan yidhaahda: Waxaan soo dejin wax la mid ah wuxuu Alle soo dejiyey oo Waxyi ah? Haddaad arki lahayd markay daalimiinta ku sugan yihiin sakaraadka mowtka, iyagoo malaa’igtu ay soo fidinayaan markaa gacmahooda (iyagoo ku leh): Soo saara nafahiinna! Maanta waxaa la idinku abaal marin cadaabta dulleynta waxaad Alle ka sheegi jirteen darteed oo hadal xaq darro ah. Waxaadna aheydeen kuwo Aayadahiisa iska weyneeya.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Al-An'aam

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net