U bood nuxurka
Suuradda 6 · Aayadda 38

Al-An'aam 6:38

الأنعام

وَمَا مِن دَآبَّةٍ فِى ٱلْأَرْضِ وَلَا طَـٰٓئِرٍ يَطِيرُ بِجَنَاحَيْهِ إِلَّآ أُمَمٌ أَمْثَالُكُم ۚ مَّا فَرَّطْنَا فِى ٱلْكِتَـٰبِ مِن شَىْءٍ ۚ ثُمَّ إِلَىٰ رَبِّهِمْ يُحْشَرُونَ

Macne

38. Ma jiro noole ku socda arlada, ama shimbir ku duula labadiisa baal, aan aheyn ummado idinla mid ah. Waxba kama aanaan dhaafin Kitaabka [1], markaas xagga Rabbigood baa la isugu soo kulmin.

[1]. Mufasiriinta qaarkood waxay yidhaahdeen: Kitaabka waxaa loola jeedaa Looxa Maxfuudka, taasina waa in arrimaha uunka oo idil ay ku qoran yihiin Looxa Maxfuudka, qaarna waxay ku fasireen Qur’aanka oo sheegeen inay ku yaalliin aasaasyada diinta iyo suluugga iyo axkaanta iyo xikmadaha, iyo jidka lagu liibaano labada daaroodba adduunka iyo aakhirada.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Al-An'aam

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net