Al-An'aam 6:128
الأنعاموَيَوْمَ يَحْشُرُهُمْ جَمِيعًا يَـٰمَعْشَرَ ٱلْجِنِّ قَدِ ٱسْتَكْثَرْتُم مِّنَ ٱلْإِنسِ ۖ وَقَالَ أَوْلِيَآؤُهُم مِّنَ ٱلْإِنسِ رَبَّنَا ٱسْتَمْتَعَ بَعْضُنَا بِبَعْضٍ وَبَلَغْنَآ أَجَلَنَا ٱلَّذِىٓ أَجَّلْتَ لَنَا ۚ قَالَ ٱلنَّارُ مَثْوَىٰكُمْ خَـٰلِدِينَ فِيهَآ إِلَّا مَا شَآءَ ٱللَّهُ ۗ إِنَّ رَبَّكَ حَكِيمٌ عَلِيمٌ
128. Maalinta uu soo kulmin dhammaan (kuna dhihi): Kulanka jinkow! Waxaad badsateen (luminta) in badan oo dadka ah. Saaxiibbadoodii ka mid ahaa dadka waxay odhan: Rabbiyow! Wuxuu ku dan gaaray qaarkayoba qaarka kale, waxaana gaarnay muddadayada aad noo goysay. Wuxuu odhan: Naartaa hoygiinna ah aad ku dhex waaraysaan, wuxuu Alle doono mooyee. Hubaal Rabbigaa waa Xakiim, wax kasta Ogsoon.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net