U bood nuxurka
Suuradda 58 · Aayadda 2

Al-Mujaadila 58:2

المجادلة

ٱلَّذِينَ يُظَـٰهِرُونَ مِنكُم مِّن نِّسَآئِهِم مَّا هُنَّ أُمَّهَـٰتِهِمْ ۖ إِنْ أُمَّهَـٰتُهُمْ إِلَّا ٱلَّـٰٓـِٔى وَلَدْنَهُمْ ۚ وَإِنَّهُمْ لَيَقُولُونَ مُنكَرًا مِّنَ ٱلْقَوْلِ وَزُورًا ۚ وَإِنَّ ٱللَّهَ لَعَفُوٌّ غَفُورٌ

Macne

2. Kuwa idinka mid ah ee isaga
xaaraantimeeya [1] xaasaskooda hab ah dihaar (iyagoo ku odhan, "hooyaday baad iga tahay") - Sidaa kuma noqonayaan hooyooyinkood. hooyooyinkoodna ma aha cid kale aan ahayn kuwii dhalay. Kuwaasuna waxay ku hadlayaan hadal xun iyo been abuur. Allese hubaal waa Cafiye, Denbi Dhaaf badan.

[1]. Haweeney la yidhaahdo Khawlah binti Thaclabah a.k.r. baa waxaa habkan isaga xaaraantinimeeyey ninkeeda Aws bin As-Saamit, isagoo ku yidhi xaaskiisa, "hooyaday baad iga tahay". Markaasay waxay u timid Nabiga s.c.w. iyadoo wax ka weydiinaysa mas’aladan, markaasuu Alle soo dejiyey Aayaddan iyo Aayadda xigta.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Al-Mujaadila

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net