U bood nuxurka
Suuradda 58 · Aayadda 11

Al-Mujaadila 58:11

المجادلة

يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ إِذَا قِيلَ لَكُمْ تَفَسَّحُوا۟ فِى ٱلْمَجَـٰلِسِ فَٱفْسَحُوا۟ يَفْسَحِ ٱللَّهُ لَكُمْ ۖ وَإِذَا قِيلَ ٱنشُزُوا۟ فَٱنشُزُوا۟ يَرْفَعِ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ مِنكُمْ وَٱلَّذِينَ أُوتُوا۟ ٱلْعِلْمَ دَرَجَـٰتٍ ۚ وَٱللَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ خَبِيرٌ

Macne

11.Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Marka la idinku yidhaahdo isu waasiciya fadhiga, isu waasiciya. Alle ha idiin waasiciyee 'Naxariistiisa' [6]. Marka la idinku yidhaahdo u kaca 'khayr' [7] u kaca. Allaah wuxuu kor u qaadi kuwiinna idin ka mid ah ee (Xaqa) rumeeyey, iyo kuwaa cilmiga la siiyey darajooyin aad u sarreeya. Alle waa u Xog Ogaal waxaad fashaan.

[6]. Alle ha idiin waasiciyee Naxariistiisa ama Jannadiisa gudaheed, ama wax kasta oo wanaagsan.
[7]. U kaca salaad ama jihaad ama camal kasta oo wanaagsan.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Al-Mujaadila

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net