Al-Hadid 57:25
الحديدلَقَدْ أَرْسَلْنَا رُسُلَنَا بِٱلْبَيِّنَـٰتِ وَأَنزَلْنَا مَعَهُمُ ٱلْكِتَـٰبَ وَٱلْمِيزَانَ لِيَقُومَ ٱلنَّاسُ بِٱلْقِسْطِ ۖ وَأَنزَلْنَا ٱلْحَدِيدَ فِيهِ بَأْسٌ شَدِيدٌ وَمَنَـٰفِعُ لِلنَّاسِ وَلِيَعْلَمَ ٱللَّهُ مَن يَنصُرُهُۥ وَرُسُلَهُۥ بِٱلْغَيْبِ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ قَوِىٌّ عَزِيزٌ
25. Waxaan dhab ahaan la soo dirnay Rusushayada xujooyin cad cad, lana soo dejinnay Kitaabka iyo Miisaanka (caddaaladda), si ay dadku ugu wada dhaqmaan caddaalad. Waxaana soo dejinnay birta oo shiddo weyni ku jirto iyo manaafacaad dadka [10], iyo inuu Alle muujiyo kan u gargaari (Diinta) iyo Rusushiisa iyagoon arag. Hubaal Alle waa Xoog Badane, Adkaade ah.
[10]. Rasuulkii Alle s.c.w. wuxuu yidhi: “Ogaada in Jannadu tahay seefaha hoostooda”.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net