Al-Hadid 57:10
الحديدوَمَا لَكُمْ أَلَّا تُنفِقُوا۟ فِى سَبِيلِ ٱللَّهِ وَلِلَّهِ مِيرَٰثُ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ۚ لَا يَسْتَوِى مِنكُم مَّنْ أَنفَقَ مِن قَبْلِ ٱلْفَتْحِ وَقَـٰتَلَ ۚ أُو۟لَـٰٓئِكَ أَعْظَمُ دَرَجَةً مِّنَ ٱلَّذِينَ أَنفَقُوا۟ مِنۢ بَعْدُ وَقَـٰتَلُوا۟ ۚ وَكُلًّا وَعَدَ ٱللَّهُ ٱلْحُسْنَىٰ ۚ وَٱللَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ خَبِيرٌ
10. Maxaad leedihiin oo aad wax ugu bixin weydeen Jidka Alle? Alle baana leh dhaxalka samooyinka iyo arlada. Ma sinna kuwiinna wax bixiyey ka hor guusha iyo furashada (Makkah) oo diriray (iyo kuwiinna sidaa falay waa' dambe). Kuwaasi (hore) baa ka sarreeya darajo ahaan kuwa wax bixiyey oo diriray kaddib. Alle wuxuu u yaboohay (abaalgud) wanaagsan intaba. Alle waa u Xog Ogaal waxaad fashaan.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net