Al-Maaida 5:93
المائدةلَيْسَ عَلَى ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّـٰلِحَـٰتِ جُنَاحٌ فِيمَا طَعِمُوٓا۟ إِذَا مَا ٱتَّقَوا۟ وَّءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّـٰلِحَـٰتِ ثُمَّ ٱتَّقَوا۟ وَّءَامَنُوا۟ ثُمَّ ٱتَّقَوا۟ وَّأَحْسَنُوا۟ ۗ وَٱللَّهُ يُحِبُّ ٱلْمُحْسِنِينَ
93. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala ma jiro wax denbi ahi oo ku saaran waxay cuneen (ama cabbeen intaan la xaaraanti- meyn), hadday haatan iska jiraan xumaha (oo gutaan waajibyada Alle saaray), oo rumeeyaan oo camallo san falaan, haddana iska jiraan (xumaha) oo gutaan (waajibyada saaran) oo rumeeyaan, haddana iska jiraan (xumaha) oo sama falaan. Alle wuxuu jecel yahay sama falayaasha.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net