U bood nuxurka
Suuradda 5 · Aayadda 64

Al-Maaida 5:64

المائدة

وَقَالَتِ ٱلْيَهُودُ يَدُ ٱللَّهِ مَغْلُولَةٌ ۚ غُلَّتْ أَيْدِيهِمْ وَلُعِنُوا۟ بِمَا قَالُوا۟ ۘ بَلْ يَدَاهُ مَبْسُوطَتَانِ يُنفِقُ كَيْفَ يَشَآءُ ۚ وَلَيَزِيدَنَّ كَثِيرًا مِّنْهُم مَّآ أُنزِلَ إِلَيْكَ مِن رَّبِّكَ طُغْيَـٰنًا وَكُفْرًا ۚ وَأَلْقَيْنَا بَيْنَهُمُ ٱلْعَدَٰوَةَ وَٱلْبَغْضَآءَ إِلَىٰ يَوْمِ ٱلْقِيَـٰمَةِ ۚ كُلَّمَآ أَوْقَدُوا۟ نَارًا لِّلْحَرْبِ أَطْفَأَهَا ٱللَّهُ ۚ وَيَسْعَوْنَ فِى ٱلْأَرْضِ فَسَادًا ۚ وَٱللَّهُ لَا يُحِبُّ ٱلْمُفْسِدِينَ

Macne

64. Yuhuuddu waxay yidhaahdeen: Gacanta Alle way xidhan tahay! Gacmahoodu baa la xidhi oo waxaa loo nacladaa waxay ku hadleen dartii. Mayee, Labadiisa Gacmood way fidsan yihiin. Wuxuu (Alle) wax u baxshaa siduu doono. Wuxuu u kordhiyaa kuwo badan oo ka mid ah iyaga waxa lagaaga soo dejiyey oo Waxyi ah xagga Rabbigaa xadgudub iyo gaalnimo. Waxaana dhignay cadaawad iyo isnac dhexdooda ilaa Maalinta Qiyaamaha; Mar kasta oo ay huriyaan dab dagaal, Alle baa damiya; waxayna ku dadaalaan inay ku fidiyaan fasahaad arlada. Alle ma jecla kuwa fasahaad falayaasha ah.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Al-Maaida

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net