U bood nuxurka
Suuradda 5 · Aayadda 6

Al-Maaida 5:6

المائدة

يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ إِذَا قُمْتُمْ إِلَى ٱلصَّلَوٰةِ فَٱغْسِلُوا۟ وُجُوهَكُمْ وَأَيْدِيَكُمْ إِلَى ٱلْمَرَافِقِ وَٱمْسَحُوا۟ بِرُءُوسِكُمْ وَأَرْجُلَكُمْ إِلَى ٱلْكَعْبَيْنِ ۚ وَإِن كُنتُمْ جُنُبًا فَٱطَّهَّرُوا۟ ۚ وَإِن كُنتُم مَّرْضَىٰٓ أَوْ عَلَىٰ سَفَرٍ أَوْ جَآءَ أَحَدٌ مِّنكُم مِّنَ ٱلْغَآئِطِ أَوْ لَـٰمَسْتُمُ ٱلنِّسَآءَ فَلَمْ تَجِدُوا۟ مَآءً فَتَيَمَّمُوا۟ صَعِيدًا طَيِّبًا فَٱمْسَحُوا۟ بِوُجُوهِكُمْ وَأَيْدِيكُم مِّنْهُ ۚ مَا يُرِيدُ ٱللَّهُ لِيَجْعَلَ عَلَيْكُم مِّنْ حَرَجٍ وَلَـٰكِن يُرِيدُ لِيُطَهِّرَكُمْ وَلِيُتِمَّ نِعْمَتَهُۥ عَلَيْكُمْ لَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ

Macne

6. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Haddaad u kacdaan salaadda meyra wajiyaddiinna iyo gacmihiinna ilaa xusullada, oo masaxa madaxyadiinna [4], meyrana lugahiinna ilaa canqawyada. Haddaad janaaba qabtaan, meyrta, haddaad bugtaanna ama safar tihiin ama uu ka yimaado mid idinka mid ah saxaro ama aad taabateen haween oo aydaan heli karin biyo, doonta carro daahir ah oo ku masaxa wajiyadiinna iyo gacmihiinna. Ma rabo Alle inuu idin kor dhigo wax dhib ah, wuxuuse rabaa inuu idin daahiriyo, iyo inuu idiin dhammeystiro Nicmaddiisa dushiinna; si aad u mahdisaan.

[4]. iyo dhegahiinna intooda dusha ee muuqata iyo intooda gudaha ahba.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Al-Maaida

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net