Al-Maaida 5:27
المائدةوَٱتْلُ عَلَيْهِمْ نَبَأَ ٱبْنَىْ ءَادَمَ بِٱلْحَقِّ إِذْ قَرَّبَا قُرْبَانًا فَتُقُبِّلَ مِنْ أَحَدِهِمَا وَلَمْ يُتَقَبَّلْ مِنَ ٱلْـَٔاخَرِ قَالَ لَأَقْتُلَنَّكَ ۖ قَالَ إِنَّمَا يَتَقَبَّلُ ٱللَّهُ مِنَ ٱلْمُتَّقِينَ
27. Uga warran qisada labadii wiil ee Aadam oo xaq ah; markay labaduba bixiyeen qurbaan ee laga aqbalay midkood [5], oo aan laga aqbalin kii kale [6]. (Qaabiil) wuxuu (ku) yidhi (Haabiil): Waan ku dili. (Haabiil) wuxuu yidhi: Sideedaba wuxuu Alle wax ka aqbalaa kuwa dhowrsoon ee u hoggaansan.
[5]. Waa Haabiil, oo ahaa xoolaley isagoo la baxay xoolihiisii inta u fiican sadaqo ahaan.
[6]. Qaabiil, oo ahaa beeralay isagoo la baxay dalaggiisii inta u xun.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net