Al-Maaida 5:13
المائدةفَبِمَا نَقْضِهِم مِّيثَـٰقَهُمْ لَعَنَّـٰهُمْ وَجَعَلْنَا قُلُوبَهُمْ قَـٰسِيَةً ۖ يُحَرِّفُونَ ٱلْكَلِمَ عَن مَّوَاضِعِهِۦ ۙ وَنَسُوا۟ حَظًّا مِّمَّا ذُكِّرُوا۟ بِهِۦ ۚ وَلَا تَزَالُ تَطَّلِعُ عَلَىٰ خَآئِنَةٍ مِّنْهُمْ إِلَّا قَلِيلًا مِّنْهُمْ ۖ فَٱعْفُ عَنْهُمْ وَٱصْفَحْ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ يُحِبُّ ٱلْمُحْسِنِينَ
13. Hase yeeshee ka bixiddooda (Yuhuudda) axdigoodii awgii waan nacladnay oo ka dhignay quluubtooda adeyg; waxay ka duwaan ereyada (sharciga ee la xiriira tilmaamaha Nabi Muxammad iyo arrimo kale) meelahoodii, waxayna dayaceen qayb waxa lagu waaniyey ah (raacidda Nabi Muxammad); waxaadna ka arki mar walba khiyaano ku jirta xaggooda in yar oo ka mid ah maahee. ee iska cafi, iskagana jeeso. Hubaal, Alle wuxuu jecel yahay sama falayaasha.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net