U bood nuxurka
Suuradda 5 · Aayadda 110

Al-Maaida 5:110

المائدة

إِذْ قَالَ ٱللَّهُ يَـٰعِيسَى ٱبْنَ مَرْيَمَ ٱذْكُرْ نِعْمَتِى عَلَيْكَ وَعَلَىٰ وَٰلِدَتِكَ إِذْ أَيَّدتُّكَ بِرُوحِ ٱلْقُدُسِ تُكَلِّمُ ٱلنَّاسَ فِى ٱلْمَهْدِ وَكَهْلًا ۖ وَإِذْ عَلَّمْتُكَ ٱلْكِتَـٰبَ وَٱلْحِكْمَةَ وَٱلتَّوْرَىٰةَ وَٱلْإِنجِيلَ ۖ وَإِذْ تَخْلُقُ مِنَ ٱلطِّينِ كَهَيْـَٔةِ ٱلطَّيْرِ بِإِذْنِى فَتَنفُخُ فِيهَا فَتَكُونُ طَيْرًۢا بِإِذْنِى ۖ وَتُبْرِئُ ٱلْأَكْمَهَ وَٱلْأَبْرَصَ بِإِذْنِى ۖ وَإِذْ تُخْرِجُ ٱلْمَوْتَىٰ بِإِذْنِى ۖ وَإِذْ كَفَفْتُ بَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ عَنكَ إِذْ جِئْتَهُم بِٱلْبَيِّنَـٰتِ فَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ مِنْهُمْ إِنْ هَـٰذَآ إِلَّا سِحْرٌ مُّبِينٌ

Macne

110. Marka Alle odhan: Ciise ina Maryamow! Xusuuso Nicmaddeyda aan ku dul mannaystay adiga iyo hooyadaaba, markaan kugu xoojiyey Ruuxa Daahirka (Jabriil), waxaad la hadashay dadka adigoo caydin dhashay ah iyo adigoo garmadoobe ah; iyo markaan ku baray Qoraalka, Xikmadda, Tawraadda, iyo Injiilka; iyo markaad ka yeelaysay dhoobo wax u eg shimbir Aniga Idankay, oo aad afuufaysay, markaasna ay noqonaysay shimbir Idankay, oo aad bogsiisay indhoolaha iyo baraslaha Idankayga, oo aad ku soo saartay meytida Idankeyga. Markaan kaa celiyey Ilmahii Israa’iil kolkaad ula timid Xujooyin cad, ha yeeshee kuwii gaaloobay ee ka midka ahaa yidhaahdeen: Kanu ma aha waxaan aheyn sixir cad.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Al-Maaida

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net