U bood nuxurka
Suuradda 5 · Aayadda 106

Al-Maaida 5:106

المائدة

يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ شَهَـٰدَةُ بَيْنِكُمْ إِذَا حَضَرَ أَحَدَكُمُ ٱلْمَوْتُ حِينَ ٱلْوَصِيَّةِ ٱثْنَانِ ذَوَا عَدْلٍ مِّنكُمْ أَوْ ءَاخَرَانِ مِنْ غَيْرِكُمْ إِنْ أَنتُمْ ضَرَبْتُمْ فِى ٱلْأَرْضِ فَأَصَـٰبَتْكُم مُّصِيبَةُ ٱلْمَوْتِ ۚ تَحْبِسُونَهُمَا مِنۢ بَعْدِ ٱلصَّلَوٰةِ فَيُقْسِمَانِ بِٱللَّهِ إِنِ ٱرْتَبْتُمْ لَا نَشْتَرِى بِهِۦ ثَمَنًا وَلَوْ كَانَ ذَا قُرْبَىٰ ۙ وَلَا نَكْتُمُ شَهَـٰدَةَ ٱللَّهِ إِنَّآ إِذًا لَّمِنَ ٱلْـَٔاثِمِينَ

Macne

106. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Maragga dhexdiinna ah markay geeridu ku soo dhowaato midkiin, marka uu dardaarmayo, waa labo nin oo caddaalad leh oo idinka mid ah ama labo kale oo qeyrkiin ah, haddaad socdaal ku tihiin arlada oo ay musiibada mowdku idin hesho. Labada (marag) waa inaad joojisaan salaadda (Casar) kaddib, markaa haddaad ka shakidaan [24], waa inay ku dhaartaan Allaah (iyagoo odhanaya): Innagu ku qaadan meyno wax dheef adduun ah arrinkani, qaraababa ha ahaadee, mana qarineyno Maragga Alle, (haddii kale markaa) waxaanu ka mid ahaan denbiilayaasha.

[24]. Inay markhaati been ah fureen ama been ku dhaarteen.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Al-Maaida

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net