U bood nuxurka
Suuradda 49 · Aayadda 10

Al-Hujuraat 49:10

الحجرات

إِنَّمَا ٱلْمُؤْمِنُونَ إِخْوَةٌ فَأَصْلِحُوا۟ بَيْنَ أَخَوَيْكُمْ ۚ وَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ لَعَلَّكُمْ تُرْحَمُونَ

Macne

10. Mu’miniintu waa uun walaalo [2]. ee heshiisiiya walaalihiin. Alle ka cabsada, si uu idiinku naxariisto.

[2]. Nabigu s.c w wuxuu yidhi: Muslimka waa walaalka Muslimka, waa inuusan ku gardarroon, hagran, u gacan gelin cadow, wax ka beensan, qofka muslimka ah waa ka xaaraan muslimka kale: maalkiisa, sharafkiisa, xoolahiisa, xilahiisa, iyo dhiiggiisuba, waxaana shar ugu filan qof inuu quursado walaalki Muslimka ah”.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Al-Hujuraat

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net