Al-Fath 48:16
الفتحقُل لِّلْمُخَلَّفِينَ مِنَ ٱلْأَعْرَابِ سَتُدْعَوْنَ إِلَىٰ قَوْمٍ أُو۟لِى بَأْسٍ شَدِيدٍ تُقَـٰتِلُونَهُمْ أَوْ يُسْلِمُونَ ۖ فَإِن تُطِيعُوا۟ يُؤْتِكُمُ ٱللَّهُ أَجْرًا حَسَنًا ۖ وَإِن تَتَوَلَّوْا۟ كَمَا تَوَلَّيْتُم مِّن قَبْلُ يُعَذِّبْكُمْ عَذَابًا أَلِيمًا
16. Ku dheh kuwaa reer miyiga ah ee 'ka' hadhay (jihaadka): Waxaa la idiinku yeedhi qolo dagaal aqoon daran leh, waa inaad la dirirtaan intay iska dhiibaan [4], ee haddaad adeecdaan Alle Wuxuu idin siin abaalgud fiican, haddiise aad dhabarka jeedisaan sidaad horeyba ugu jeediseen dhabarka, Wuxuu idinku cadaabi cadaab xanuun badan.
[4]. Intay isu dhiibaan Alle Muslimiin ahaan.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net