U bood nuxurka
Suuradda 43 · Aayadda 32

Az-Zukhruf 43:32

الزخرف

أَهُمْ يَقْسِمُونَ رَحْمَتَ رَبِّكَ ۚ نَحْنُ قَسَمْنَا بَيْنَهُم مَّعِيشَتَهُمْ فِى ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا ۚ وَرَفَعْنَا بَعْضَهُمْ فَوْقَ بَعْضٍ دَرَجَـٰتٍ لِّيَتَّخِذَ بَعْضُهُم بَعْضًا سُخْرِيًّا ۗ وَرَحْمَتُ رَبِّكَ خَيْرٌ مِّمَّا يَجْمَعُونَ

Macne

32. Ma iyagaa ah kuwa qaybiya Naxariista Rabbigaa? Annagaa (Alle ah) ka qaybinna dhexdooda maciishaddooda nolosha adduunkan, oo ka kormarinnay qaarkoodba qaarka kale derejooyin, si ay qaarkood qaarka kale ugu adeegtaan. Naxariista Rabbigaa baana ka khayr badan waxay urursadaan (oo maal adduunyo ah).

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Az-Zukhruf

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net