Ash-Shura 42:15
الشورىفَلِذَٰلِكَ فَٱدْعُ ۖ وَٱسْتَقِمْ كَمَآ أُمِرْتَ ۖ وَلَا تَتَّبِعْ أَهْوَآءَهُمْ ۖ وَقُلْ ءَامَنتُ بِمَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ مِن كِتَـٰبٍ ۖ وَأُمِرْتُ لِأَعْدِلَ بَيْنَكُمُ ۖ ٱللَّهُ رَبُّنَا وَرَبُّكُمْ ۖ لَنَآ أَعْمَـٰلُنَا وَلَكُمْ أَعْمَـٰلُكُمْ ۖ لَا حُجَّةَ بَيْنَنَا وَبَيْنَكُمُ ۖ ٱللَّهُ يَجْمَعُ بَيْنَنَا ۖ وَإِلَيْهِ ٱلْمَصِيرُ
15. Arrin(kani) (Towxiidka) ku baaq adigoo ku sugnaan dhabbaha toosan sida lagu amray [7], hana raacin hawadooda (xun) oo dheh: Waxaan rumeynay wuxuu Alle soo dejiyey oo Kitaab ah, waxaana la i amray inaan falo caddaalad dhexdiinna, Allaah baa ah Rabbigayo iyo Rabbigiinba. Waxaan mudan acmaashayada idinkuna waxaad mudan acmaashiinna [8], xujo (hadda) inama dhex taallo [9]. Allaah baa ina soo kulmin innagoo dhan, waana Xaggiisa meel noqodka dambe.
[7]. Inta ka go’an hadalka waa ugu yeedh inay tawbad keenaan.
[8]. Waa natiijada camalladooda.
[9]. Marba haddii laga yeelay Xaqa caddaan, kuwaasi Xaqa diida waxay sidaasi u yeelaan oo keliya kibir darti iyo u xilasho dano adduun.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net