Al-Ghaafir 40:7
غافرٱلَّذِينَ يَحْمِلُونَ ٱلْعَرْشَ وَمَنْ حَوْلَهُۥ يُسَبِّحُونَ بِحَمْدِ رَبِّهِمْ وَيُؤْمِنُونَ بِهِۦ وَيَسْتَغْفِرُونَ لِلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ رَبَّنَا وَسِعْتَ كُلَّ شَىْءٍ رَّحْمَةً وَعِلْمًا فَٱغْفِرْ لِلَّذِينَ تَابُوا۟ وَٱتَّبَعُوا۟ سَبِيلَكَ وَقِهِمْ عَذَابَ ٱلْجَحِيمِ
7. Kuwa sida Carshiga iyo kuwa hareera jooga (ee Malaai'gta ah) waxay ku tasbiixsadaan ammaanaha Rabbigood oo ay rumaysan yihiin, waxayna u denbi dhaaf dalbaan mu'miniinta (iyagoo leh): Rabbigayow! Waxaad ku koobtaa wax walba Naxariis iyo cilmi ee u denbi dhaaf kuwa tawbad keena oo raaca Jidkaaga, kana dhowr Cadaabta Naarta ololeysa.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net