An-Nisaa 4:8
النساءوَإِذَا حَضَرَ ٱلْقِسْمَةَ أُو۟لُوا۟ ٱلْقُرْبَىٰ وَٱلْيَتَـٰمَىٰ وَٱلْمَسَـٰكِينُ فَٱرْزُقُوهُم مِّنْهُ وَقُولُوا۟ لَهُمْ قَوْلًا مَّعْرُوفًا
8. Hadday joogaan qaybta qaraabo, agoomo iyo masaakiin (aan dhaxalka wax ku lahayn) wax ka siiya [6], kulana hadla hadal san oo naxiiriis leh.
[6]. Siismo aan ka badnayn seddex meeloodoo meel maalka laga tagay ee dhaxalka. Waana in marka hore la bixiyo deymaha. Marka deymaha la bixiyo iyo wixii uu mowtanaha ka daraarmay, inta soo hartay baa waxaa loo qaybinayaa warasda si waafaqsan sharciga. Qof dhaxalka wax ku lehna oo warasada ka mid ah si gaar ah wax looguma dardaarmi karo.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net