U bood nuxurka
Suuradda 4 · Aayadda 48

An-Nisaa 4:48

النساء

إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَغْفِرُ أَن يُشْرَكَ بِهِۦ وَيَغْفِرُ مَا دُونَ ذَٰلِكَ لِمَن يَشَآءُ ۚ وَمَن يُشْرِكْ بِٱللَّهِ فَقَدِ ٱفْتَرَىٰٓ إِثْمًا عَظِيمًا

Macne

48. Alle ma dhaafo in cid wax lala wadaajiyo, wuu se u dhaafaa waxa aan intaa ahayn qofkuu doono; qofkiina Alle wax la wadaajiya cibaadada, wuxuu been abuurtay denbi weyn [34].

[34]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Alle wuxuu ku odhan qofka ugu cadaab fudud naarta gudaheeda. Haddii aad leedahay waxa arlada korkeeda ah oo dhan ma u bixin lahayd madax furasho ahaan si aad naftaada uga xoreyso Naarta? Wuxuu odhan? Haa. Markaasuu Alle kor ahaaye wuxuu ku odhan: Adigoo ku jira dhabarka Aadam, waxaan kaa dalbay wax taa wax badan ka yar : inaadan cidna iigu shariik yeelin cibaadada, waxaadse ku adkeysatay shirkiga (inaad ila wadaajiso cid kale cibaadada). w.w.Al-Bukhaari.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

An-Nisaa

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net