An-Nisaa 4:37
النساءٱلَّذِينَ يَبْخَلُونَ وَيَأْمُرُونَ ٱلنَّاسَ بِٱلْبُخْلِ وَيَكْتُمُونَ مَآ ءَاتَىٰهُمُ ٱللَّهُ مِن فَضْلِهِۦ ۗ وَأَعْتَدْنَا لِلْكَـٰفِرِينَ عَذَابًا مُّهِينًا
37. Kuwa ah bakhaylka oo ugu yeera dadka bakhaylnimada [31], ee qariya waxa uu Alle siiyey ee ka mid ah Deeqdiisa. Waxaanu u diyaarinnay gaalada cadaab dulleysa.
[31]. Abuu Hurayra a.k.r. waxaa laga soo weriyey in Nabigu s.c.w. yidhi: Maalin walba ay waabbariistaan aadmiga waxaa soo dega labo malag oo midkood leeyahay Allahayow sii qofka wax ku bixiyaa Arrinkaaga beddel wanaagsan, kan kalena wuxuu yidhaahdaa: Allahayow ka yeel maalka bakheylka mid talfa oo aan wax ugu turnaan (W.w. Al-Bukhaari).
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net