An-Nisaa 4:34
النساءٱلرِّجَالُ قَوَّٰمُونَ عَلَى ٱلنِّسَآءِ بِمَا فَضَّلَ ٱللَّهُ بَعْضَهُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ وَبِمَآ أَنفَقُوا۟ مِنْ أَمْوَٰلِهِمْ ۚ فَٱلصَّـٰلِحَـٰتُ قَـٰنِتَـٰتٌ حَـٰفِظَـٰتٌ لِّلْغَيْبِ بِمَا حَفِظَ ٱللَّهُ ۚ وَٱلَّـٰتِى تَخَافُونَ نُشُوزَهُنَّ فَعِظُوهُنَّ وَٱهْجُرُوهُنَّ فِى ٱلْمَضَاجِعِ وَٱضْرِبُوهُنَّ ۖ فَإِنْ أَطَعْنَكُمْ فَلَا تَبْغُوا۟ عَلَيْهِنَّ سَبِيلًا ۗ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلِيًّا كَبِيرًا
34.Raggu iyagaa ka mas'uul ah haweenka, waxa u Alle dheereysiiyey qaarkood (ragga) qaar (haweenka) darteed [25], iyo masruufka (ragga) maalkooda ay ka baxshaan. Haweenka wanaagsanna way adeecaan (nimankooda), ilaaliyaan maqnaanasha (nimankooda) ilaalinta Alle darteed [26]. Kuwase aad ka cabsataan caasinimadooda [27], waaniya, (hadday wax ku qaadan waayaan waanada) ka goosta dhinac jiifka, (hadday taana wax ku qaadan markaa) garaaca (garaac aayar ah aan waxyeeleyn) [28], hadday idin adeecaan, ha u raadinnina jid aad wax ku yeeshaan. Hubaal Alle waa Sarreeye, Weyn.
[25]. Wuxuu Alle ku waajbiyey ninka inuu wanaajiyo oo si fiican ula dhaqmo xaaskiisa.
[26]. Maalka ninkeeda, iyo dhowrsanaan- teeda oo xafiddaa jirkeeda.
[27]. Nushuush, waxaa la yidhaahdaa haweenta oo ka tagta gudashada waajibaadka saaran, sida inay ka baxdo guriga idan la’aanta ninkeeda ama u idinto inuu soo galo guriga qof uusan u idmin xitaa hadduu yahay aabbaheed ama hooyadeed, iwm.
[28]. Xalka u dambeeya ee edbintooda waa garaacidda garaac aayar ah, ma bannaana inaad wax uga dhufato wejiga ama jir disho ama waxyeello u geysato. Taasina waa hadday garaaciddu faa’ido keeni oo arrinka ka sii dareyn.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net