An-Nisaa 4:3
النساءوَإِنْ خِفْتُمْ أَلَّا تُقْسِطُوا۟ فِى ٱلْيَتَـٰمَىٰ فَٱنكِحُوا۟ مَا طَابَ لَكُم مِّنَ ٱلنِّسَآءِ مَثْنَىٰ وَثُلَـٰثَ وَرُبَـٰعَ ۖ فَإِنْ خِفْتُمْ أَلَّا تَعْدِلُوا۟ فَوَٰحِدَةً أَوْ مَا مَلَكَتْ أَيْمَـٰنُكُمْ ۚ ذَٰلِكَ أَدْنَىٰٓ أَلَّا تَعُولُوا۟
3. Haddaad ka cabsataan inaydaan ula dhaqmin si caddaalad ah (gabdhaha) agoomaha ah, markaa guursada haween- kaa (kale) wixii idinla habboonaada, labo, seddex iyo afarba. Haddaadse ka cabsataan inaydaan u caddaalad falin [2] markaa (ku ekaada guursiga) mid keliya [3] ama waxay gacmahiinnu midig hantaan [4]. Arrinkaa baa u dhow inaydaan dulmi falin.
[2]. Caddaaladda waxaa loola jeedaa waxay u baahan tahay xaaska xagga masruufka, marashada, degaanka iyo hoyaadka, gogosha, iwm ee arrimaha muuqda ama qarsoon.
[3]. Islaamku wuu banneeyey guursiga wax ka badan hal xaas, wuxuuse ku xiray shuruud ay ka mid yihiin inuu qof u leeyahay awood inuu dhaqi karo oo dhaqaale u heysto, iyo inuu ogaado cadaaladda. Ka hor inta ayan soo degin Aayaddan way jirtay guursiga wax hal xaas ka badan , waxay xitaa anbiyo Alle isla guursadeen dumar aad u baan oo boqollaal gaara, Aayaddanse waxay oggolaatay inuu ninka guursan karo oo keliya ilaa afar xaas hadduu ka soo bixi karo shuruudda lagu xiray guursiga wax hal xaas ka badan.
[4]. Addoon iyo addoonsiga sidan ah ma jiro waqtigan bal waa laga mamnuucay caalamka, oo waxay jirtay waayihii hore.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net